Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa hakiyay xubinimada dawladda Ruushka ee maamulka Xuquuqda Aadamaha ,kadib markii dalkaasi lagu eedeeyay xadgudubyada uu ka geysanayo dalka Ukraine.
93 dal ayaa u codeeyey go’aankaasi, halka 24 dal ay diideen,waxaana halka ay ka aamuseen 58 wadan,iyadoo meel matinta qaraarkaan loo baahan yahay labo meelood saddex.
Afartan iyo toddoba dal ayaa ku jira Golaha Xuquuqda Aadamaha oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland,waxaana cod qarsoodi ah ku doorta Golaha Guud ee Qaramada M.
Ruushka waxa uu hadda ka mid yahay golahaas oo 3 sano oo kasta doorasho loo galo ka mid noqoshada xubinimada xuquuqda aadanaha ee golahaasi,waxaana Ruushka uu xilkaasi ka dhamaanayaa 31ka bisha December ee sanadka dambe ee 2023.