Qaramada Midoobay ayaa ururisay lacag gaadhaysa illaa $1.2 bilyan oo loogu tala galay gargaarka bini’aadanimo ee dalka Yemen, laakiin lacagtan ayaa aad uga hoosaysa bartilmaameedkii hore ee Qaramada Midoobay ee ahaa $4.3 bilyan si wax looga qabto xaaladaha aadka u daran ee ka jira dalkaas.
Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay Geneva ayaa wuxuu ballan qaaday in Maraykanku uu bixin doono $444 milyan oo taageero bini’aadanimo ah oo uu siinayo dalka Yemen, isaga oo ugu baaqay deeqbixiyayaasha kale inay gacan u fidiyaan dalkaas.
Bilinken ayaa sheegay in dhaqaale yaridii ku timi dalka Yemen sannadkii hore inay ku qasabtay hay’adaha Qaramada Midoobay inay yareeyaan shaqooyinkii ay dalkaas ka wadeen.
Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu ugu deeqay dalka Yemen illaa $5.4 bilyan oo doollar tan iyo markii ay colaaduhu ka bilawdeen.