Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.
Xoghayaha,waxa uu ku booriyay beesha caalamka in Qaramada Midoobay ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu qabto dadka dalkaasi ee la ildaran macluusha.
Antonio Guterres ,waxa uu soo jeediyay in la sii daayo hantida Afgaanistaan ​​ee la xayiray, sii ayuu yiri looga hortago burburka dhaqaale iyo baahiyaha kale ee ka jira dalka Afganistaan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8.7 milyan oo reer Afgaanistaan ​​ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, waxayna intaa raacciyeen inay muhiim tahay in si degdeg ah dhaqaalaha Afqaanistaan ​​loo geliyo dalkaasi, lagana fogaado burburka u horseedaya faqri, gaajo iyo macaluul.
Beesha caalamku waxay xayirtay hantida Afgaanistaan ​​ee dibadda iyagoo sidoo kale joojisay taageeradii dhaqaale, iyo in ay la shaqeeyaan Taliban.