Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyaysay Xuska sanad guurada 63aad ee madax-banaanida Soomaaliya, iyada oo  ku ammaantay dowladda sida ay uga go’antahay dhismaha mustaqbal wanaagsan.
Catriona Laing oo Qoraal kasoo saartay Xafiiskeeda UN-ka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay xaqiijinayaan taageerada Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo Soomaaliya loo dhan yahay, nabadoon oo barwaaqo ah.
“Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan salaamayaa dadka Soomaaliyeed, waxaana mar kale xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo Soomaaliya loo dhan yahay, nabadoon oo barwaaqo ah†ayay tiri Ergeyga Catriona Laing.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa Maanta looga dabaal-deggayaa Munaasabadda sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.