Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo howlgalo lagu qabtay.
Xubnaha la xukumay oo tirro ahaan gaaraya 8 Rag ah ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Galmudug.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa sheegtay in raggaan ay dhammaantood ka yihiin Al-shabaab, laguna helay demiyada lagu soo qabtay, iyadoona ku riday xukun dil toogasho ah.
Maxkamadda Puntland ayaa todobaad ka hor dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Si kastaba Puntland ayaa horey u sheegtay inay dagaal adeg la galeyso Al-shabaab iyo Daacish oo fariisimo ku leh deegaano ka tirsan dhulka buuraleyda ah oo weeraro geysta khasaaro uga soo qaadaan Saldhigyada Ciidanka Puntland.