Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland, waxa uu Wasiir Cusub u magacaabay Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ee Maamulkiisa.
Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi, C/llaahi Jaamac Salaax ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaasi.
Wasiirka cusub oo lagu magacaabo Saciid Maxamed Raage ayaan ku cusbayn xilkaasi oo uu horey u hayey Xilligii uu Puntland, Madaxweynaha ka ahaa C/raxmaan Faroole.
Heshiiska Ballaarinta Dekedda Bosaaso oo uu Maamulkii C/raxmaan Faroole la saxiixdeen Ganacsade Falastiini ah oo deggan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda inuu hirgeli waayey, iyadoo Maamul-gobaleedka Puntland doonayaan in wax laga qabto Mashruuca Ballaarinta Dekedda Bosaaso ee lagu fashilmay qorshahaasi.
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekedaha ee Puntland ayaa la sheegay inuu isagu horey wax uga saxiixay Heshiiskaasi, loogana baahan yahay inuu mar kale boorka ka jafo Hirgelinta Mashruucaasi.
Dhinaca kale, Magacaabistiisa ayaa u muuqata mid qeyb ka ah Isku shaandheyn uu Madaxweyne Gaas la maagan yahay Golihiisa Wasiiradda, si uu uga baaqsado inay Wasiiro kale is-casilaan.
Dhawaan ayey ahayd, markii ay Wasiiro ka tirsanaa Maamulka Puntland iska casileen Xilalkooda, kadib, markii uu Maamulkaasi ku fashilmay Taageeradda Maaliyadeed iyo Dhaqdhaqaaqa Hawlaha Wasaaradahaasi.
©Radio Dalsan
Â