Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa deegaanada maamulkaas ka mamnuucday isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo.
Warqad kasoo baxday Wasaaraadda ayaa lagu sheegay in maanta laga billaabo ay ciqaab mudan doonto cid kasta oo lagu arko isticmaalka iyo ka ganacsiga Bacda halka mar la isticmaalo.
Ganacsatada iyo dadka degaanka ayaa looga digay isticmaalka bacda, maaddama sida Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada ee dowlad goboleedka Puntland  sheegtay ay dhiaaato weyn ku hayso degaanka.
Horay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimillada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay suuqyada ganacsiga dalka iyo dekedaha uga mamnuucday isticmaalka, ka ganacsiga iyo soo dejinta bacda halka mar la isticmaalo oo dhibaato ku ah deegaanka.