Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid dalabka dowladda federaalka Soomaaliya, ee ku aaddan in meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobey ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka jiray muddo dheer.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in go’aanka dowladda Soomaaliya ee xiritaanka xafiiska UNSOM uu yahay mid qar iska xoornimo ah oo aan laga fiirsaneynin.
Wuxuu intaas kusii daray Wasiir Maxamuud Caydiid in xilligaan aan la joogin waqtigii la joojin lahaa howlaha xafiiskaan uu qabto, isagoo sheegay in aysan jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Xasan isagaa maalin kaste looga yeeraa Xallane. Horta xaggee joogtaa dowlad oran kartaa xafiiska jimciyadda qurumaha ka dhaxeysaan ka maarannaa? Dowlad ma jirtaa baa meesha taalla,†ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo xusay in xafiiska UNSOM uu yahay fududeeyaha xal u helida khilaafyada siyaasadeed ee madaxda Soomaalida.
Hawgalka UNSOM xafiisyadiisa kala duwan ee Soomaaliya waajibaadkiisa waxa kamid ah in uu kala shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo dawlad Gobolleedyada hawllaha dibu heshiisiinta, talo bixinno istraatijayeed oo kala duwan oo ku saabsan nabad iyo dawlad dhiska Soomaaliya, la socoshada xuquuqda aadamaha iyo isku xirka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.