Taliska ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay dileen madaxii howlgallada Ururka Daacish ee Gobolka Bari, kadib markii uu dagaal dhexmaray ciidanka Puntland iyo xubno ka tirsanaa Daacish oo weerar ku qaaday Saldhig ku yaal degmada Bali-dhidhin.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani uu ahaa madaxdii howlgallada Daacish, isla markaana lagu dilay dagaal ciidanka Puntland iyo xubno ka tirsan Daacish ku dhexmaray Bali-dhidhin.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay inay ka hortagtay weerar xubno ka tirsanaa Daacish kusoo qaadeen Saldhiga ciidanka Puntland ee Bali-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, wuxuunka weerarka dhacay habeen kahor.
รขโฌลIska hor-imaadkaas ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo Daacish u magacaabeen madaxa hawl-galada Daacish illa 11kii, July 2021 xilligiis oo ladilay madaxii hore ee hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir kaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray Dagaalkii Daacish lagu qaaday ee ay Ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka Buuraleyda Calmiskaadรขโฌย ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska.
Abu-Albara Al Amani ayaa ka soo jeeda Gobolka Amara ee dalka Itoobiya, kaas oo itoobiyaan badan ku khasbay inay ku biiraan Daacish, wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidanka Puntland uu hal Askari uga dhintay weerarkii degmada Bali-dhidhin.