Maxkamadda Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ayaa saaka oo ah Axad ah xukun dil toogasho ah ku fulisay rag farabadan oo ka tarsan Al-shabaab, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukuno dil ah ugu riday.
Goob fagaare ah oo ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helayo inay ka dambeeyeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dad kale oo ka dhacay halkaas.
Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa goobjoog ka ahaa goobta xukunka dilka toogashada uu ka dhacayay, waxaana xubnaha la toogtay dhammaatood ay la sheegay inay tirsanaayeen Al-shabaab.
Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah xubnaha saakay xukunka lagu fuliyay, kuwaasi oo horey loogu soo qabtay howlgalo la sameeyay.
Waa markii horreeysay oo Puntland xukun dil toogasho ah ku fulisay in ka badan 15 xubnood oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, isla markaana ay fuliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo oo Mas’uuliyiin iyo dad kala duwan lagu dilay.