Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar adag oo lagu mamnuucayo keenista jaadka (khaatka) furimaha dagaalka ee ay ciidamada difaaca Puntland kula jiraan dagaalamayaasha Daacish.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi, ayaa lagu faray in mudda 11 cisho ah – laga bilaabo 11-ka Maarso ilaa 21-ka Maarso 2025 – aan jaad la geyn karin goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada, gaar ahaan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Qoraalka ayaa xusay in go’aankaas loo qaatay sababo la xiriira amniga, maadaama howlgallada ciribtirka Daacish ay marayaan wejigii saddexaad. Waxaa lagu sheegay in jaadka uu saameyn ku yeelan karo feejignaanta ciidamada iyo habsami u socodka howlgallada milatari.
“Amarkani wuxuu si toos ah u saameynayaa fadhiyada kala duwan ee ciidamada ka qayb qaadanaya howlgalkan, waxaana la farayaa dhammaan dhinacyada ay quseyso inay u hoggaansamaan awaamiirta kasoo baxday taliska,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Taliska ayaa sidoo kale digniin culus u diray cid kasta oo jebisa amarkan, waxaana lagu sheegay inay la kulmi doonto ciqaab iyo ganaaxyo adag.
Ciidamada difaaca Puntland ayaa maalmahan ku guda jiray howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxaha Daacish kuwaas oo saldhigyo ku leh buuraha fog ee gobolka Bari.