Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeesatay Go’aan kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan in sharci-darro loo aqoonsanayo Kalluumaysi aan shati ka heysan Wasaaradda Kalluumaysiga DFS.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in aad uga xun yihiin Qoraalkii kasoo baxay Shirkii dhexmaray Wasaaradda kalluumeysiga DF iyo Safiiro ee lagu sheegay in shati aan kasoo bixin Wasaaradda ay u aqoosan yihiin waxba kama jiraan.
Puntland ayaa tilmaamtay Qoraalka Wasaaradda kalluumeysiga inuu si toos ah u baalmarsan yahay heshiiyadii ka dhacay Magaalooyinka Baydbabo iyo Addis Ababa ee qeexayay hab-qeybsiga kheyraadka badda ee Soomaaliya.
“Haddii aan la xurmeynin Qodobada Dastuuriga ah ee dalka, sida tooska u faraya xaquuqaha DFS iyo Dawlad gobaleedyada, in ay ka wada xaajoodaan Kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqonaysaa daganaanshaha Amni ee dalka, taas oo horseedi doonta Xasilooni darro siyaasadeed†ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.
Puntland ayaa sidoo kale ka hortimid Is afgaradyo ay gaareen Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo dalalka Shisheeye oo ku jihaysan arrimaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay PuntlandÂ