Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan rag burcad ah oo dhaawac iyo dhac qof shacab ah ugu geystay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.
Ciidamada Booliska ayaa howlgalo kala duwan ka sameeyay duleedka Boosaaso, iyagoona kusoo qabtay ragga dhacay gaari nooca raaxad ah ee looyaqaan (Probox) oo ka shaqeeyaa halkaas.
Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen soo qabashada gaariga la dhacay oo ka diiwaan-gashay dowladda hoose ee Boosaaso.
Taliye Xuseen Cali ayaa tilmaamay in labada Ragga ee lasoo qabtay ay ku socdaan baaritaano, isla markaana ay xiran yihiin, waxaana goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen Booliska goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Booliska.
Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in aan qof shacab lagu xadgudbi karin hantidiisa, wuxuuna digniin u diray burcada, isagoona caddeeyay in cid kasta oo isku dayda falkaas tallaabo laga qaadi doono.