Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamul Goboleedka Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha.
Fadhigan ayaa lagu gorfeeyay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nidaamka Federaalka iyo tallaabo ay sharci-darro ku sheegeen oo ahayd wax ka bedelka Dastuurkii 2012.
Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ku xadgudubtay Dastuurkii lagu heshiiyay, iyagoo tilmaamay in wax-ka-beddel lagu sameeyay si sharci-darro ah.
Guddoomiyaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa intaas ku daray in in wax-ka-beddel aan loo dhammayn uu keeni karo khilaaf iyo kala qeybsanaan.
Goluhu waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan ay dhaawici karaan nidaamka lagu heshiiyay ee federaalka.
“Si loo helo xal waara, Golaha Wakiillada ayaa go’aamiyay in doodda in talo soo jeedinta ku saabsan arrintan loo xil saaro Guddiga gaar ah oo ka soo talo bixiya arrimaha Federaalka Soomaaliya, go’aanna ku soo celiya Golaha Wakiillada Puntland†ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Puntland.