Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa Wasaaradda Kalluumaysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga digtay inay meel mariso sharciga sharciga hormarinta iyo maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Kalluumaysiga dowladda Federaalka ay dooneyso inay meel mariso sharcigaas oo ay Puntland tilmaamay inuu sharcigaas khilaafsan yahay Dastuurka dowladda Federaalka.
Sidoo kale Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa caddeysay inaysan aqoonsanayn kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo baalmarsan Dastuurka dowlada Puntland iyo kan dowladda Soomaaliya.
รขโฌลWasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland waxa ay u cadaynaysa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland iyo wadamada deeq bixiyaasha ee Soomaaliya taageera in Wasaaradda Kalluumaysiga DFS ay doonayso inay meel mariso Sharci ay ku sheegtay SHARCIGA HORMARINTA IYO MAAREYNTA KALLUUMAYSIGA SOOMAALIYEED Kaasi oo ah mid khilaafsan Dastuurka DFS. Qodobkiisa 44-aad ee qeexaya qaybsiga khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliyaรขโฌย ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.
Gaba-gabadii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Puntland ayaa uga digtay mMadaxda wasaaradda Kalluumaysiga DFS, Siyaasadaynta mashruucyada horumarineed ee dalka iyo ku xadgudubka xeerarka iyo shuruucda dalka.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntlandรย