Puntland ayaa u dirtay ciidamadii ugu badnaa degaanada ay kula dagaalamayso kooxda Daacish. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo tababar xooggan ka soo baxay ayaa loo daabulay furimaha dagaalka ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Ciidamada la geeyay deegaannadaasi ayaa bilaabay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Daacish, iyadoo hawlgalka uu ka dhacayo buuraha iyo deegaanada ay ku sugan yihiin kooxdan argagixisada ah.
Ciidankaan ayaa lagu soo wargaliyay inay ku gaashaaman yihiin hubka culus iyo qalab dagaal oo casri ah, taas oo ka dhigaysa inay si toos ah uga qeyb qaataan hawlgalka.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalkan ayaa sheegay in Daacish ay haatan ku go’doonsan tahay deegaankaasi, iyagoo sheegay inay si dhab ah uga go’an tahay in lagu guuleysto hawlgalka.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa shalay ku dhawaaqay bilowga wejiga labaad ee hawlgalka Ciribtirka Daacish, isagoo amray in ciidamada ay diyaargarowgii ugu adkaa qaataan si loo hubiyo guusha hawlgalka.
Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in wejigan labaad ee dagaalka lagu dabar-goynayo Daacish uu qaadan karo waqti ka yar kan hore, oo socday bilowga bishii Jannaayo ee sannadkan 2025.
Wejigan labaad ee hawlgalka ayaa muhiimad weyn u leh Puntland iyo guud ahaan gobolka, iyadoo la filayo in culeys weyn lagu saaro kooxda Daacish si loo xakameeyo weerarrada iyo faafinta fikirka xag-jirka ee ay bulshada ku dhex fidiyaan.