Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Cal Miskaad uu sababay barakaca ku dhawaad 10,000 qoys oo ka soo cararay goobaha lagu dagaallamayo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ku eedeeyay kooxda Daacish in ay caburin iyo barakac ba’an ku hayso dadka deegaanka, iyagoo sheegay in kooxdu si khasab ah uga rarayso dadkii ku noolaa deegaannada hoos yimaada buuraleyda Bari.
Sida ay Puntland sheegtay, qoysaska barakacay ayaa hadda ku sugan deegaanno nabdoon oo ka tirsan gobolka Bari, halkaas oo loo sameeyay gargaar degdeg ah. Dowladda ayaa xustay in ay dadaal ku bixinayso sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa kaalmo iyo hoy ku-meel-gaar ah.
“Ururka Daacish wuxuu galaaftay noloshii dad badan oo aan waxba galabsan, wuxuuna sababay barakac baahsan. Dadkaas hadda waxay ku sugan yihiin goobo nabdoon oo ay dowladdu ku dadaalayso in la gaarsiiyo gargaar degdeg ah,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay mas’uuliyiinta Puntland.
Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dagaal ka dhan ah kooxda Daacish oo ku xooggan buuraleyda Cal Miskaad. Hawlgalladan oo ujeedkoodu yahay ciribtirka kooxda ayaa la filayaa in ay sii socdaan, iyadoo ay dowladda Puntland horey u sheegtay in aysan marnaba ogolaan doonin in kooxaha argagixisadu gabaad ka dhigtaan deegaannada Puntland.