Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samadalka Aadminimo ee dalka Somalia, Phillips Lazzarini ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.
Waxa uu tilmaamay inaan Qaxootiga loo fasixi karin inay dalkooda hooyo ku laabtan tan iyo inta ay Somalia ka jiraan xaalladaha khatarta iyo ammaan la’aanta.
“Weli suurtogal ma ahaa in laga fekero jadwalka waqtiyeed ee dib u celinta tiro badan oo Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab ee dalka Kenya†ayuu yiri Mas’uulkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray in Deeq bixiyayaasha mar horeba dhibaatooyin culus kala kulmeen sidii ay kulan uga yeelan lahaayeen baahida halka milyan ee qof ee barakacayaasha ah iyo in ka badan labo milyan oo ku sugan gudaha dalka.
Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka somalia, Philiooe Lazzarini  waxa kaloo  uu sheegay haddii gudaha Somalia lagu celiyo 500,000 oo qaxootiga ku sugan Dhadhaab inay taasi wiiqi doonto dadaalka loogu jiro soo-celinta nabadda iyo ammaanka dalka Somalia.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Dowladda Kenya waxay bishii hore ku hanjabeen inay Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab xiri doonaan bisha July ee soo socota, balse waxay Mowqifkooda debciyeen markii ay QM iyo Dowladda Maraykanak kala kulmeen cadaadis Diplomaasiyadeed.