Pakistan ayaa sheegtay inay weerrar aargudasho ah ka fulisay dalka ay deriska yihiin ee Iiraan, laba maalmood kadib markii weerrar ay Iiraan ku qaadday Pakistan uu khilaaf ka dhex abuuray labada dal.
Pakistan ayaa sheegtay in weerarrada gantaallada ah lala beegsaday goob ay ‘ku dhuumaaleysanayeen argagaxisio’ oo ku taala gobolka Sistan-o-Balochistan.
Warbaahita Iiraan ayaa ku soo warramaya, in weerarkaas ay ku dhinteensaddex haween ah iyo afar carruur.
Labadan dal, Pakistan iyo Iiran ayaa midba midka kale ku eedeynayay inuu qarinayo kooxo mintidiin ah oo weerarro ka geysanayay gobollada ku yaala xadka ay wadaagaan labada waddan.
Arbacadii shalay, warbaahinta Iiraan ayaa ku soo warramay, in dhowr qarax laga maqlay meel u dhow xuduudda ay la leeyihiin Pakistan, gaar ahaanna agagaarka magaalada Saravan.
Wasiirka arrimaha dibedda Pakistan ayaa xaqiijiyay weerarka ka dhanka ah Iiraan, isagoo sheegay in lagu dilay sidoo kale ‘tiro argagaxiso ah’.