|

Kenyaan lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Alshabaab oo lagu qabtay xadka Kenya iyo Ethiopia

Warar · Dalsan Editor · July 1, 2015

Taliyaha Boliska Gobalka Marasabit ee dalka Kenya, Bernard Kogo ayaa sheegay inay Nin Kenyaan ah oo ka tirsan Alshabaab ku qabteen Degmadda Mooyaale oo ku taalla meel ku dhow xuduudka ay Kenya la wadaagto Ethiopia.

Taliyaha waxa uu magaca ninka la qabtay ku sheegay Alex Kimaru oo lagu naanayso Warunguru, kaasi oo ka soo jeeda Gobalka Nayeeri.

Waxa uu intaasi ku daray inay Eedeysanaha haatan ku hayaan Saldhigga Boliska Moyaale, si wax looga weydiiyo cidda ku wehlisa safarka u qorsheysnaa inuu ugu ambabaxo Somalia.

Wargeyska News 24 ayaa Boliska ka soo xigtay inay ninkaasi ku qabteen xilli uu ku sugnaa Mooyaale, isla markaana uu qorsheynayey inuu ka tallaabo xuduudka Ethiopia, kadibna uga sii gudbo Somalia.

©Radio Dalsan

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.