Mo Farah oo ah Horyaalka Caalamka ee Orodka 10,000 ee mitir ayaa waxa uu xalay ku guuleystay Tartanka Marathonka Calaamka oo lagu qabtay caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing, wuxuuna si xarako leh uga badiyey Orodyahano kale oo caan ah, oo ay ka mid yihiin Orodyahanadda Kenya iyo Ethiopia.
Mo Farah ayaa waxa uu difaacday Horyaalkiisa Orodka 10,000 ee mitir ee Caalamka, isagoo ku orday 27 daqiiqo iyo 01.13 ilbiriqsi.
Waxaa Kaalinta Labaad galay Orodyahannadda Kenyanka ee Geoffrey Kamworor oo ku orday 27 daqiiqo iyo 01.76 ilbiriqsi, waxaana Kaalinta saddexaad galay Paul Tanui oo ku orday 27 daqiiqo iyo 02.83 Ilbiriqsi..
Mar uu la hadlayey Saxaafadda, waxa uu sheegay inuu Tartanka sannadkan ahaa sannadkii ugu fududaa, wuxuuna xusay inay Guushiisa ku taageereen Qoyskiisa, iyo Taageerayaashiisa.
Orodyahan Mo Farah waxa uu difaacanayaa Horyaalnimadiisa Orodka Marathonka, wuxuuna horey ugu guuleystay Tartankii Orodka ee 5,000 mitir ee lagu qabtay dalka Koonfurta Kuurya, iyo Guushii Mataanaha ee Orodada 5,000 mitir iyo 10,000 mitir oo lagu qabtay London sannadkii 2012-kii iyo Tartankii Horyaalka ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.
Mo Farah ayaa la filayaa inuu markii 7aad difaacdo Horyaalka Caalamka, isagoo maalinta Sabtida ee soo socota ka qeyb geli doona Tartan Caalami ah.