Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib ugu noqday Ethiopia ka dib lix maalmood oo uu booqasho ku marayay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka.
Intii uu joogay Mareykanka waxa uu la kulmay qurba joogta Ethiopia ka soo jeeda oo uu geliyay rajo ah inay dalkooda ku noqdaan oo ay maalgashadaan, laakiin dhinaca Soomaalida Ethiopia waxa uu kaga tagay jawaab hadal heyn iyo xasaasiyad badan dhalisay oo uu ka bixiyay qoondada shidaalka laga helay dhulka Soomaalida Ethiopia oo uu sheegay inay 5% ku yeelanayaan.
Ururka ONLF oo 2007-dii weerar u geystay shaqaale Shiinaha u dhashay oo shidaal ka baarayay dhulka Somalida Ethiopia ayaa hadlay hadalka ra’iisul Wasaaraha Ethiopia.
Afhayeenka ururkaas Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in Dadka Soomaalida ah ay yihiin dadka saddexaad ee ugu badan Itoobiya,balse weli ay aamisan yihiin in ay ku jiraan Gumeysi
Waxa uu sheegay in marnaba ONLF asyan aqbaleyn Warka ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.isaga oo ka dalbaday in ay wadahadal yeeshaan.