Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar iyo Xuseen Nuur oo ah sarkaal sare oo ka tirsan jabhada ONLF.
Waxaa kulanka kadib la soo saaray qodobo ka kooban todobo qodob.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr oo ay kamid tahay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dagaaladii dhexmaray jabhada ONLF iyo maamulkii ka ariminaaye dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo hogaaminaaye Cabdi Maxamuud Cumar.
 Hoos ka akhriso qodobada shirka kasoo baxay.
In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF.
- In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida;
- In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;
- In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;
- In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb;
- In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;
- In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah;