Rag hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay Magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.
Muwaadinka oo Odey ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ismaaciil Kiish, kaasi oo  lagu dhex dilay goob Ganacsi uu lahaa oo ku taalla Magaalada East London, waxaana ay burcada falka geysatay ay dhaceen dukaankii uu lahaa Marxuumka.
Muwaadiniin Soomaali ah oo ka Agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa soo weriyey in burcada Koonfur AfrikaanKA ah ee weerarka fuliyay ay jebiyeen Kaamirada CCTV-da ee dukaanka ku xirneyd, si aan loo aqoonsan.
Ciidamada Booliska Koonfur Afrika oo tagay goobta dilka kadib, ayaa sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah aan kasoo bixin, iyagoona markii dambe halkaas isaga tagay, xilli ay gacan ku dhiiglayaashii dilka geystay.
Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Kiish ayaa waxaa uu muddo dheer ku noolaa Gobolka Eastern Cape oo kamid ah Gobolada ay Soomaalida aadka u degantahay Ganacsiyo xoogan ay ku leeyihiin ee dalkaas Koonfur Afrika.