Hadal qoraal ah oo uu Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama soo dhigay Websaytka Aqalka Cad ayaa waxa uu ku sheegay inuu kaalmo dhaqaale ugu yaboohayo dalal ka tirsan kuwa Afrika, si ay ugu adeegsadaan arrimaha Ammaanka iyo Nabadsugidda.
Waxa uu xusay in Dhaqaalahaasi oo dhan 65 million oo Dollar loo adeegsan doono Qorshaha Ammaanka Dowladeed ee shantaasi dal ee kala ah Kenya, Ghana, Mali, Niger, Nigeria iyo Tunisia.
Waxa uu hoosta ka xariiqay inay Maraykanka iyo dalalkaasi ka shaqeyn doonaan xaqiijinta ammaanka iyo dhismaha awoodda Hayรขโฌโขaddaha, si loo badbaadiyo dadka rayidka, looga hortago cabsida.
Dhinaca kale, Madaxweyne Obama waxa uu tilmaamay inuu Maamulkiisa sii wadi doono inuu Dowladaha Afrika kala shaqeeyo xoojinta ammaanka iyo taageeridda dhinaac ammaanka, si looga hortago Kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Qaaradda Afrika.
รขโฌลCabsida Kooxaha Alshabaab, Boko Haram, Alqaacida iyo Kooxda Alqaacidada Maqribka (AQIM) waxay weli ka jirtaa Qaaradda Afrikaรขโฌย ayuu yiri Obama oo intaasi ku daray inay Kooxahaasi weli dhaqdhaqaaqyo iyo saamaynb ku leeyihiin ammaanka guud ee Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa kaloo uu xusay in cabsida ganacsiga Daroogadda, Tahriibinta dadka, hubka iyo duur-joogto taageeraan in lagu maalgeliyo Dembiyadda, Xag-jirnimadda iyo Colaadaha gudaha iyo kuwa Gobalka ee Qaaradda Afrika.
Xigasho:- Agencies
รยฉ Warqabadka Dalsan Radio