War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in holwgal laga fuliyay deegaan duleedka ka ah degmada Balcad lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Basra oo duleedka Galbeed ka xiga degmada Balcad,isla markanaa lagu dilay 6 Xubnood oo ka tirsan Shabaab,sidoo kalena gacanta lagu dhigay Sarkaalkii hoggaaminayay.
Howlgal ciidanka Amnigu ka fuliyay Deegaanka Basra ayaa lagu dilay (6)xubnood oo Alshabab ah, xubintii madaxa u ahaana waa lasoo qabtay.
Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Xubnaha la beegsaday ay qorsheynayeen inay weeraro ka geestaan Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,wallow aysan soo bandhigin Magacyada dadka Xubnaha la dilay in iyo kan la soo qabtay intaba.
Marka laga soo tago Warka ka soo baxay NISA ayaa Wararka ay Idaacadda Dalsan heshay waxa ay sheegayaan in holwgalkaas uu qeyb ka ahaa duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaarado dagaal xalay la fuliyeen deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad.
Howlgal ciidanka Amnigu ka fuliyay Deegaanka Basra ayaa lagu dilay (6)xubnood oo Alshabab ah, xubintii madaxa u ahaana waa lasoo qabtay.
Kooxdan ayaa maleegaysay weerar ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.— NISA (@HSNQ_NISA) December 9, 2018