Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay soo bandhigtay Nin la sheegay inuu ahaa Dareewalkii waday gaarigii Xamuulka ee bishan December 11-dii ku qarxay agagaarka Dekedda Muqdisho, oo ay ku geeriyoodeen ku-dhawaad 50-qof, kuna dhaawaxmeen Lixdameeyo kale.
Dareewalkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Ibraahim Xasan ayaa laga soo qabtay Deegaanka Lambar Konton ee Gobalka Sh/hoose, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax “Faranfar†oo xalay la hadlay Warbaahinta.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka NISA isticmaaleen Teknoolajiyadda Casriga ee lagu baaro Qaraxyadda iyo Daba-galka, taasi oo fududeystay in gacanta lagu soo dhigo Dareewalkaasi.
Dhinaca kale, Dareewalka la soo qabtay ayaa ka warbixiyey sida uu gaariga Xamuulka u dhigay nawaaxiga Dekedda Muqdisho iyo qaabka loo soo abaabulay Qaraxaasi.
Wuxuuna tilmaamay inuu Gaariga oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu xilli habeen ah dhigay nawaaxiga Dekedda, wuxuuna qaraxaasi dhacay xilli Subaxnimo oo ay dad badan ku sugnaayeen goobtaasi.
©Radio Dalsan