Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal laga sameeyey Magalada Muqdisho lagu qabtay Xubin weyn oo ka tirsan Al-Shabaab.
Warkaan ka soo baxa NISA ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah Xubanaha Al-Shabaab ee dilalka ka fuliya Magalada Muqdisho,isla markaana howlgalkaas aysan cidna waxba ku noqon.
Mashaacin NISA Magaca Shaqsiga la qabtay iyo halka uu ka dhacay howlgalka lagu soo qabtay.
27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah.
Howlgalka cidi wax kuma noqon.
Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida.— NISA (@HSNQ_NISA) August 27, 2018