Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleysatay qabashada seddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku hawlanaa falal liddi ku ah amniga magaalada Muqdisho. Tallaabadan ayaa ka dambeysay howgal si weyn loo qorsheeyay oo ka dhacay caasimadda.
NISA ayaa soo bandhigtay sawirrada shaqsiyaadka la qabtay, iyada oo sheegtay in xubnahan ay qeyb ka ahaayeen shabakad muddo ka howlgeli jirtay Muqdisho. Sidoo kale, hay’addu waxay soo bandhigtay laba mooto Bajaaj iyo mooto nooca Fekon ah oo ay kooxdani u adeegsanayeen falalkooda amni-darro.
Qabashada xubnahan ayaa muujinaysa sida hay’addu ugu heelan tahay sugidda nabadda iyo xaqiijinta badbaadada shacabka, iyada oo howlgalkan uu yahay mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee amniga Muqdisho lagu xaqiijinayo.