Ciidanka Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen dagaalame ka tirsan Al-Shabaab, oo qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka loo adeegsado qaraxyada iyo weerarada ismiidaaminta ah. NISA, oo soo bandhigtay magaciisa iyo sawirkiisa, ayaa sheegay in shaqsigan uu si gaar ah ugu lug lahaa weeraro dhawr ah oo ka dhacay dalka.
Magaca dagaalamaha ayaa la sheegay inuu yahay Cabdi Naasir Maxamed Xasan, oo ka mid ahaa xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ka qeyb qaadan jiray hubinta gaadiidka, ka hor inta aan loo isticmaalin qaraxyada iyo weerarada ismiidaaminta. Dagaalamahaan, sida ay NISA sheegtay, ayaa qeyb ka ahaa weeraro badan oo lala beegsaday goobo muhiim ah, iyadoo uu sidoo kale ka mid ahaa kuwa masuulka ka ahaa gaari fuliyay weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
NISA waxay sidoo kale muujisay in Cabdi Naasir Maxamed Xasan uu ka dambeeyay ilaa sagaal (9) weerar oo qaraxyo ah, kuwaasoo lagu fuliyay gaadiidyo qaraxyada lagu dhex qariyay oo isagu uu cillad bixiyay. Dagaalamahaasi ayaa sida muuqata kaalin muhiim ah ka qaatay habka loo diyaariyo gaadiidka iyo sida loo fuliyo weerarada.
Hay’adda NISA waxay sheegtay in howlgallo qorsheysan ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan dagaalamahaan, iyadoo tallaabadan ay tahay guul weyn oo laga gaaray qorshayaasha kooxda Al-Shabaab ee ku aaddan falalka argagixisada ee dalka.
Xogta ay soo bandhigtay NISA ayaa muujineysa in dagaalamahaan uu ka mid ahaa shabakad weyn oo xiriir la leh hawlgallada ismiidaaminta ee ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaaliya.