Waxaa isa soo taraya guulaha ay ciidanka amniga Soomaaliya ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, iyadoo ay ciidamada qaranku wadaan howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-Shabaab.
Howlgal ballaaran oo isugu jiray duqeyn iyo weerar toos ah ayaa laga fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed si wadajir ah uga fuliyeen weerarro qorsheysan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, waxaa howlgalka lagu dilay 21 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen dagaalyahanno iyo horjoogayaal sare oo ka mid ahaa hoggaanka kooxda.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalka uu dhacay si waafaqsan qorshihii la diyaariyay, isla markaana burbur xooggan la gaarsiiyay xarumo ay argagixisadu ku lahayd goobihii la beegsaday.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in duqeyntu ay aheyd mid laga sameeyay xog sirdoon oo la xaqiijiyay, taasoo keentay in si sax ah loo bartilmaameedsado xubnaha Al-Shabaab, iyada oo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada qaranka iyo dad rayid ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo wada howlgallo kala duwan oo lagu wiiqayo awoodda kooxda, waxaana saraakiisha amniga ay ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan howlgallada ilaa laga cirib tirayo cadowga nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.