Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaran ee NISA ayaa maanta ku dhawaaqday inay burburisay gaadiid qaraxyo ah oo ay kooxda AS u qorsheysay inay ku weerarto degmada Alkhowthar.
Qoraal rasmi ah oo laga soo saaray hay’adda ayaa lagu sheegay in gaadiidkan lagu beegsaday Masaajidka degmada Al-Kowther ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, taas oo muujinaysa in weerarku uu ahaa mid loogu tala galay in logu beegssado goobaha cibaadada iyo meelaha lagu wadaado bulshada.
Sida laga soo xigtay NISA, howlgalka ayaa waxaa lagu gubay gaadiid qaraxyo ah oo ay AS ku wada socdeen inta u dhexeysay Ruunnirgood iyo Alkowsar. Degaanka waxaa si gaar ah loogu beegsaday aagagga Sigato iyo Labi Aw Xasan, iyadoo qorshaha weerarka uu ahaa in lagu carqaladeeyo adeegyada bulshada iyo in la abuurto cabsi baahsan.
NISA ayaa sheegtay in inkastoo aysan shaacin tirada dhimashada ama dhaawacyada ka dhashay isku dayga weerarka, burburinta gaadiidkii qaraxyada ahayd ay muujineyso in dhammaan dadkii gaadiidka wadayay ay dhinteen.
Howlgalkan ayaa la fuliyey iyadoo iskaashi lala sameeyay saaxiibada caalamiga ah, taas oo mar kale iftiimisay dedaallada wadamada iyo hey’adaha amniga ee caalamka ku biirayaan dadaalka lagu ciribtirayo argagixisada.
Saraakiisha NISA ayaa intaas ku daray in hawlgalkan uu yahay mid ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo in AS, laga horjoogo in ay mar kale hawlgallo ba’an ku fuliyaan gudaha dalka.