Maxkamadda magaalladda Nairobi ayaa maanta amartay in Eedeysane Rashiid Jarlees oo lagu naanayso Rexaani Diida ay Boliska sii hayn karaan muddo 30-cisho, ka hor intaan la soo taagin Maxkamadda.
Ninkaasi oo ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ku qabteen Jaamacadda Gariisa ayaa waxa haatan ku haya Dembi-baarayaasha Kenya ee u xil-saaran Weerarkii Jaamacadda  Garissa.
Dacwad-ooge lagu magacaabo Daniel Karuuri ayaa maanta ka hor sheegay Maxkamadda inay hayaan warbixino sheegayo inuu Eedeysane Rashiid Jarlees qorsheynayey inuu ka gudbo xuduudka, si uu ugu biiro Dagaalyahannadda Alshabaab.
Dhinaca kale, Maalintii Talaadada ee la soo dhaafay, waxay Maxkamadda Nairobi amartay in muddo 30-maalmood la sii hayo 14 Eedeysane oo lala xiriirinayo weerarkii Jamaacadda Garissa.