Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Mawenda Najooko ayaa u sheegay  Wakaalladda Wararka ee AFP in baaritaan lagu hayo shan qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin weerarkii Alshabaab ee Jamaacadda Garissa ee lagu dilay 148-qof.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in saddex Eedeysane oo Xiriiriye ka ahaa Hawlgalkaasi lagu qabtay xilli ay doonayeen inay ka gudbaan xuduudka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka waxa kaloo uu intaasi ku daray in labo kalena lagu qabtay iyagoo ku dhuumaalaysanayo gudaha Jaamacadda Garissa.
Afhayeenka ma uusan shaacin magacyadda raga lagu qabtay xuduudka, balse waxa uu xusay in labada Eedeysane ee lagu qabtay gudaha Jamaacadda Garissa in ay kala yihiin Nin u dhashay dalka Tanzania oo lagu magacaabo Rashiid Charles Mberesero iyo Nin ka mid ah Ilaaladda Ammaanka ee Jamaacadda oo lagu magacaabo  Cusmaan Ali Dagane.