C/majiid Nuur Ismaaciil oo 19-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Malta, iyadoo lagu soo oogay inuu bishan Janaayo 1-dii xaday Mobayl noociisu yahay Apple iPhone 7  iyo inuu burburiyey dhowr gaari oo yaallay Barxad la dhigto Gaadiidka.
Eedeysanaha oo deggan Degmadda Marsascala waxaa kaloo lagu soo oogay inuu gaarigiisa yar oo noociisu yahay Ford Escort ku dhuftay dhowr gaari, xilli uu marayey Waddada Naxxor ee degaanka San Gwann.
C/majiid Nuur Ismaaciil oo ah Qaxooti diiwaan-gashan, lehna Baasboor iyo Warqadda Aqoonsiga ee Malta ayaa Maxkamadda ka hor sheegay inuusan gelin Dembiyadda lagu soo oogin, isla markaana uusan garan Karin shilka uu galay iyo Mobayl loo haysto inuu soo dhacay.
Maxkamadda oo uu guddoominayey Garsoore Antonio Micallef ayaa amray in Eedeysanaha laga qaado Tijaabo dhinaca Neefta, si loo ogaado inuu sarqaansan yahay iyo in kale, waxaana la caddeeyey inuusan sarqaansanayn.
Dhinaca kale, Garsooraha waxa uu diiday in Eedeysanaha lagu sii daayo damiin Lacageed, balse waxa uu amray inuu Eedeysanaha isbuuc kasta labo jeer saxiixo Buugga Damiinta ee yaalla Saldhigga Boliska ee Zabbar ee Jesiiradda Malta.
©Radio Dalsan