Kooxda Daacish (ISIS) ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen  is-qarxintii iyo qaraxyaddii shalay lala beegsaday Saldhig ay Milliteriga Ciraaq ku lahaayeen Waqooyiga magaalladda Baqdaad.
Hadal Qoraal ah oo ay Kooxda Daacish online ahaan u soo dhigtay Websaytyadda, ayaa lagu sheegay inay saddex dagaalyahan fuliyeen falalka Is-qarxinta oo la sheegay inay ku geeriyoodeen ugu yaraan 37 Askari Ciraaqiyiin ah.
Nin Soomaali ah oo ka tirsanaa Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay inuu isku qarxiyey gaari gaashaaman oo yiillay Saldhigga Milliteriga Ciraaq ku leeyihiin inta u dhexeysa Degmadda Samaara iyo Balliga Tharthar oo dhinaca Waqooyi kaga toosan caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.
Kooxda Daacish waxay kaloo sheegtay in Labo dagaalyahan oo u kala dhashay dalalka Tajakistan iyo Suurya isku qarxiyeen gaari Xamuul iyo gaari nooca Humvee oo yiillay Deegaankaasi.
Qarixii shalay lala beegsaday Saldhigga Boliska Federalka Ciraaq ku leeyihiin Samaara ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof.
Saldhigga lala beegsaday Is-qarxinta ayaa la sheegay in loo adegsanayey Hawlgalka Milliteri ee lagula jiro Dagaalyahannadda Daacish ee ku sugan magaalladda Ramaadi ee Gobalka Anbaar.
Saraakiisha ayaa sheegay in Saldhigaasi laga abaabulayey sidii Dagaalyahannadda Daacish looga jari lahaa waddooyinka ay sahaydu u soo maraan, inkastoo ay Dagaalyahannadda Daacish shalay la beegsaday falal Is-qarxin ah oo khasaare ba’an u geystay kaydkii Hubka ee yiillay Saldhigaasi.
Dagaalyahannadda Daacish waxay bishii hore qabsadeen magaalladda Ramaadi, iyagoo halkaasi ka helay hub iyi gaadiid badan, gaar ahaan nooca gaashaaman.
Xigasho:Â http://www.panorama.am
© Warqabadka  Dalsan