Maxkamadda magaalladda Livingstone ee dalka Maraykanka waxaa la soo taagay Nin Somli ah oo lagu magacaabo Mohamed Mustafa, kaasi oo lagu soo oogay inuu geystay kufsi.
Ninkaasi oo 23-jir ah, dhigtana Kolejka Evelyn Hone College ayaa beeniyey Eedeynta lagu soo oogay.
Iyadoo hadalkiisa la turjumayo ayuu Eedeysanaha ku sheegay inuusan haba yaraatee jirkeeda taabanin gabadha sheegtay inuu fara-xumeeyey.
Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dembiga loo haysto Eedeysanaha yahay mid khatar ah, wuxuuna intaasi ku daray inay Maxkamaddu ahayn goob lagu ciyaaro.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in lagu xukumay 9-bilood, waxaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Waterloo.
© Warqabadka Dalsan Radio