Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Darawal mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha lagu dilay Suuqa degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Busteejada Gaadiidka laga raro.
Darawalka ayaa waxaa dilay mid ka mid ah Askarta Busteejada ku sugan ee gaadiidka lacagaha ka qaada,waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in loo dilay Saddex Kun oo shillin Somalia ah oo uu diidey in uu dhiibo.
Dad ku sugnaa Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in askariga iyo Darawalka ka hor dilka ay wada murmeen,isla markaana Darawalka uu ka biyo diiday bixinta lacagtaas,sidaasina dilka uu ku yimid.
Meydka Darawalka ayaa waxaa la geeyey Saldhiga Booliska degmada Kaaraan,waxana Wararka aan helnay ay sheegayaan in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsadey.
Ma aha wax Cusub in Muqdisho Darawalada Gaadiidka Dadweynaha iyo Mooto Bajaajta lagu dilo,waxana ilaa iyo hadda jirin cid Maxkamad loo soo taagay dilalkaas.