Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo ku eedeysan in uu xalay fiidkii degmada Dayniile ku dilay Hooyadii dhashay iyo abti hooyadiis la dhashay.
Marxuuminta geeriyootay ayaa lagu kala magacabaa Muraayo Muxumud Siyaad oo 55 sanno jir aheyd iyo Yuusuf Muxumud Siyaad oo jiray 85 sanno, waxaana dilkaan uu u adeegsaday Tooreey.
Ninka dilka gaystay ayaa waxaa la sheegay in marka hore uu dlay Abtigiis, waxaana Hooyadi ay isku dayday inay ka celiso maaddaama Abtiga uu ahaa qof waayeel ah, balse ugu dambeyntii waxaa uu iyadana isla goobtaas ku dilay Hooyadi.
Ninka falka gaystay ee hadda gacanta lagu hayo ayaa sida la sheegay dhimirka ka xanuunsanaya, waxaana markii uu dilay labada marxuum uu ag-jiiftay maydadkii, taasi oo sahashay in si fudud lagu qabto.
Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Baanadir ayaa sheegay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan Ninka falka gaystay.