Nin Falastiini ah ayaa maanta dilay laba qof oo Israeli ah, oo mid uu mindiyeeyey kan kalena la dul maray baabuur, Daanta Galbeed ee la haysto kahor inta aanu isaga la dilin, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.
Weerarkan ayaa yimid saacado kahor inta aan la dhaarin baarlamanka cusub ee Israel, ayada oo xildhibaanada midigta fog ee ku jira oo la filayo inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, ay wacad ku mareen inay joojin doonaa rabshadaha.
Ciidamada Israel ayaa ku warramay in “weerar toorey†ah uu ka dhacay aagga warshadaha ee Ariel ee waqooyiga Daanta Galbeed.
“Qof argagixiso ah ayaa yimid ganjeelka laga galo aagga wuxuuna mindiyeeyey qof shacab ah oo goobta ku sugnaa,†ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada.
Adeegga gurmadka deg degga ah ee Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in nin 35 jir ah uu u dhintay dhaawacyo soo gaaray, halka saddex qof oo kale oo la mindiyeeyey ay dhaawac yihiin, kuwaas oo mid ka mid ah dhaawaciisa uu darran yahay.
Qofka weerarka soo qaaday ayaa kadib u jiheystay “meel gaaska looga shubto baabuurta wuxuuna ku tooreeyey shacab kale,†sida ay sheegeen ciidamada oo intaas ku daray inuu kadib xaday gaari oo uu baxsaday.