Ugaaska Beesha Cayr, Ugaas Xasan Ugaas Maxamad Ugaas Nuur, iyo qaar ka mid ah nabadoonnada beelaha dega Galmudug ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaallamaya qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud.
Ugaaska iyo nabadoonnada waxay ugu baaqeen dhinacyada ku lugta leh colaadda inay ka waantoobaan dagaalka, ayna ku beddelaan is-afgarad iyo wada hadal si nabad loogu soo dabbaalo gobolka.
Dagaalkii shalay oo ka dhashay muran dhuleed ayaa sababay dhimashada laba ruux iyo dhaawaca laba kale, waxaana uu ka dhacay deegaanka Bidhaan-dheere oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb. Xiisaddan oo muddo soo taagneyd, ayaa salka ku haysay guryo halkaas laga dhisayey, kaas oo muran xooggan uu ka dhashay lahaanshiyadooda.
Ugaas Xasan iyo nabadoonnada kale ayaa carrabka ku adkeeyay in dhibaatooyinka noocan oo kale ah aysan sii socon, waxaana ay ugu baaqeen beelaha in la joojiyo dhiigga qubanaya, lana soo celiyo xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada.
Waxay kaloo ay sheegeen in iskaashiga iyo is-fahamka uu yahay dariiqa kaliya ee lagu dhammeyn karo murannada, laguna gaari karo horumar waara oo ku saleysan nabadgelyo iyo midnimo.
Waxaa la filayaa in dadaallada nabadeed ee ay hoggaaminayaan Ugaaska iyo nabadoonnada Galmudug ay horseedaan shirar wada tashi ah oo lagu xallinayo tabashooyinka soo noqnoqday ee ka dhashay muranka dhuleed, taas oo la rajeynayo inay soo afjarto colaadda u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee ku nool gobolka Galgaduud, kuwaasi oo dhawaanahaan ku dagaalamayay degaanno dhaca Caasimadda Gobolkaasi ee Dhuusamareeb.