Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay magaalada Dhiuusamareeb oo uu hadda ku suganyahay, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira ururka al-shabaab.
Mar uu ka hadlayay qofka ka soo goosta al-shabaab kana tanaasula fikirkooda, ayaa waxaa uu yiri;
‘Anaga nimankaas waa wiilasheeni, waa gabdhaheeni, keliya waxaan isku haysanaa fikirka al-shabaab. Fikirka haduu ka tanaasulo, berri ayuu madaxweyne ka noqon karaa Soomaaliya, wax u diidayana ma jiraan’.
Madaxweyne Xassan, ayaa dhanka kale sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho shabaab, balse iyaga aanay ogolayn.