Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, isagoo si weyn u bogaadiyay maamulka iyo shacabka Puntland.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Puntland dagaalka adag ee ay kula jirto Daacish, isagoo sheegay in tallaabada ay qaadeen ay mudan tahay bogaadin iyo garab istaag.
“Puntland iyo dadkeeda dagaalka ay kula jiraan Daacish waa shaqo ammaan mudan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka dowladda federaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka ay doorkeeda ka qaadaneyso sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada.
Dhanka kale, wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo sheegay in halkii ay dowladda talooyin siin lahaayeen, ay ka door bideen inay ceebeyaan dowladda.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda federaalka ay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si loo sugo amniga dalka loona xaqiijiyo nabad waarta.