Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarigga ka jaray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir, taasi oo ka qayb qaadanaysa qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.
Madaxweynaha oo ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka iyo dib u dhiska dalka ayaa ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaaska si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.
“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo.â€
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan gobolada dalka si fursadaha horumarku uu u wada gaaro guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.