Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii caawa lagu dilay saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa dawladda iyo Shacabka Imaaraadka uga tacsiyeeyay saraakiisha ku naf waayey Weerarka ka dhacay Xerada Jen. Gordan, kuwaasi oo Muqdisho u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
“Waxaan sida ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu faray Madaxweynaha in Laamaha Amniga ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan falka, waxa uuna ballan qaaday in talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan.
“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.