Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada xiriirka ka dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada dalka sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland.
War-saxaaadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay 15-kii May 2022 uu mudnaanta ugu horreysay siiyay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in dawladda Federaalka dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka.
Sidoo kale dowladda ayaa tilmaamtay inay dowladda Soomaaliya weli ka go’an tahay in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso xiriirka Maamulka Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.
Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda maamulada uga digay aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka