Muqdisho, Maarso 1, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sooman furimaha dagaalka, iyaga oo difaacaya qaranka lana dagaallamaya kooxaha AS iyo Daacish si dalka looga xoreeyo.
“Walaalayaal, waxaa la idinka rabaa in aad Dowladda ku garab siisaan dagaalka dalka looga xoreynayo AS, kuwaas oo 18-kii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin u horseeday,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isu garab istaagaan oo ay gacmahooda isku qabsadaan, halkii ay ka sugi lahaayeen gacan shisheeye.
Waxa uu xusay in wadajirka, midnimada iyo taageerada dowladda ay lagama maarmaan u tahay dagaalka lagula jiro AS.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bulshada ku boorriyay in bisha barakaysan ee Ramadaan ay ku qaabilaan Alle ka cabsi, samir, dulqaad iyo dadaal dheeraad ah, si umadda Soomaaliyeed ay u gaaraan horumar iyo xasillooni waarta.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in daacadnimo, ikhlaas iyo isku duubni lagu cirib tiri karo caqabadaha dalka ka jira, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah AS.