Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa ugu hambalyeeyay Bilashada Bisha barakeysan ee Ramadaan, oo manta ah maalinteedii 1aad.
Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ku boorriyay in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo.
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan.Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo†ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Maanta ayay ku began tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadaasn, waxaana laga soomman yahay dunida Islaamka.
.