Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay safar ku tagi doonaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa waxa uu sheegay inuu Addis Ababa uga qeyb galayo Shirka dalalka Midowga Afrika, kan Madaxda Urur Goboleedka IGAD iyo Shir gaar ah oo ay leeyihiin madaxda dalalka Barriga Afrika.
Wuxuu caddeeyay Madaxweynaha Soomaaliya in mawqifkiisa damaca Itoobiya ee badda aysan waxba iska bedelin, isla markaana wax la aqbali karo aysan aheyd in lagu soo xadgudbo madax-bannaanida dalka.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in caalamka dhan ay u sheegayaan in marnaba dowladda Federaalka Soomaaliya aysan aqbali doonin wax faragelin ah oo lagu sameeyo dalka, Shirarka Itoobiya ayuuna xusay inay Soomaaliya qeyb tahay, ayna ka qeyb galayaan.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Itoobiya ayaa noqonaya kii koowaad ee uu Xasan Sheekh dalkaas ku tago tan iyo markii uu dhacay heshiiskii is afgarad ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya kaas oo ay Soomaaliya si weyn ganafka ugu dhufatay.