Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho ku qaabilay Cabdullaahi Jama Mohamed.
Shaqsiga uu qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jama Mohamed sida uu u matalay dalkiisa, isagoo tilmaamay in guusha uu gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.